Taliyaha ciidanka XDS oo War ka soo saaray dilkii loo geystay Ex-Admiral Saciid Marino

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya,Ā  Ex-Admiral Saciid Aadan Yuusuf (Saciid Marino) oo galabta dekeda Muqdisho lagu dilay.

S/Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in Saciid Marino uu ka mid ahaa Saraakiisha ugu firfircoon ciidamada badda Somalia uuna si weyn uga naxay geeridiisa, wuxuuna xusay in marxuumku uu muddo aad u fog ka tirsanaa ciidanka Badda uuna wax u badan u soo qabtay

ā€œWuxuuna ahaa sarkaal karti leh o ku adadag gudashada waajibaadkiisa Qaranā€ ayuu yiri taliye Gorod oo alle uga baryay inuu Janadii fardowsa ka waraabiyo qoyskii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo

Taliye Gorod ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta lagu dhigay qofkii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex-Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.

Admiral S/Guuto Saciid Marino ayaa galabta lagu dilay gudaha dekeda Muqdisho, iyadoo sida la sheegay sarkaal isaga Ku-xigeen u ahaa oo aan magaciisa la sheegin uu geystay dilkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka dilka ka geystay laga dhigay hubka iyo dareyska, ayna xabsiga dhigeen ciidamada nabad sugida Somalia oo haatan suā€™aalo weydiinaya.

Lama oga illaa hadda sababta uu sarkaalkan u dilay Admiral Saciid Marino balse waxaa loo malaynayaa inuu jiray muran u dhexeeyey.

S/Guuto Saciid Marino ayaa mar soo noqday abaanduulaha Ciidanka Badda Somalia oo uu ka tirsanaa illaa xiligii dowladii Kacaanka, isagoo la sheegay inuu taliye ka ahaa qeyb ka mid ah dekeda Muqdisho oo qaabilsan ciidamada badda Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -