Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo runta u sheegay Isra’il shaacana ka qaaday in dulqaadka kasii dhammaanayo

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in bariga dhexe aysan u dulqaadan karin dagaal kale, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay khatar ku tahay ammaanka gobolka.

Erdogan Isagoo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, Erdogan ayuu sheegay in “rabshadaha joogtada ah ee ka bilowday weeraradii Israa’iil ee Iran ay amniga gobolka oo dhan halis galiyeen”.

Hadal ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayuu ku sheegay in habdhaqanka sharci darrada ah ee xukuumadda Netanyahu uu khatar cad ku yahay nidaamka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in gobolka uusan u dulqaadan karin dagaal cusub.

Israa’iil ayaa gantaalo culus ku garaacday dalka Iran, iyaga oo beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran iyo sidoo kale taliyaasha ciidamada, taa oo dhalisay in Iran iyana jawaab deg deg ah kabixiso duullaan lagu soo qaaday.

Related posts

Diyaaradaha B-2 oo lagu arkay meel ku dhaw hawada dalka Iran

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DEG DEG: Oday dhaqameed caan ah & dad kale oo goor dhow lagu laayey Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---