Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Markab ay leedahay dowlada Iran oo lagu duqeeyey meel ku dhow xeebaha Sacuudiga

Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran ayaa la lagu weeraray labo gantaal xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Saudi Arabia, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan eedeynta Iran

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxa uu waxyeeleeyey laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan, islamarkaana uu sababay iney saliid ku daadato Badda Cas.

Wakaaladda Wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa markabka la weeraray magaciisa ku sheegtay Sabti.

Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow xeebta Magaalada Jeddah ee Badda Cas.

Lt. Pete Pagano, oo ah afhayeenka Markabka shanaad ee ciidamada Badda Mareykanka ee qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inay ka warhayaan warbixinno ku saabsan dhacdadan, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer.

Weerarkan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka ay bilihii tagay Iran ku eedeeyeen inay maraakiib saliidda qaada ku weerareen meel u dhow Marinka Hormuz, eedeymahaasi oo Iran ay beenisay.

Dhacdadan cusub ayaa sare usii qaadi kara xiisadda ka dhex oogan Iran Mareykanka iyo Sacuudiga, sanad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan uu kaligiis qaatay uga baxay heshiiska Nukliyeerka Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo talo muhiim ah siiyey Laftagareen

Caydiid Ali

Nin hubeysan oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Cumar Filish oo ka qeyb galay aaska masuuliyiintii lagu dilay Garasbaaley (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---