Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo saakay geeriyooday

Waxaa saakay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo katirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ehelada Xildhibaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Xildhibaan Boonow u geeriyooday xanuun, lamana shaacin wali xanuunka uu Xildhibaankan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya saakay u geeriyooday.

Gudoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geertida ku timid xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo.

Xildhibaan Boonow ayaa kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2012-kii, waxa uuna soo noqday Wasiiru dowlihii wasaarada Amniga gudaha Xukuumadii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyada uu ku shaqeenayo Maamulka Hirshabelle oo la ansixiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo dadkiisa lacag la’aan uga dhigaya Korontada iyo biyaha ay isticmaalaan

Cabdi Cade

Shiinaha oo ka hadlay Wararka sheegaya in weerar dhinaca Internetka ku qaadeen Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---