Dowlad Xaraasheysa qaar kamid ah Moroodiyaasha dalkeeda kunool iyo Sababta keentay !!

Dowlada Namibia ayaa baahisay xayeesiin ay ku dooneyso in ay ku iibiso qaar kamid ah muraadooyaasha dalkaasi kunool, kadib markii saameyn xoogan ku yeesheen abaaraha dalkaasi ka jira.

Wasaaradda deegaanka ee dowlada Namibia ayaa sheegtay in abaaraha dalkaasi ka jira saameyn ku yeesheen nolosha maroodiga sidoo kale ay kordheen weerarada maroodiyaasha u geesanayaan dadka iyo duur joogta kale.

“Dhibaatada ka dhalatay abaarta iyo tirada maroodiga sare u sii kacayo xilli ay soo badanayaan weerarada banii’aadanka uu ku hayo maroodiga, waxaa soo ifbaxday baahida ah in la yareeyo tiradiisa” ayaa lagu yiri xayeeysiin loo sameeyay iibka maroodioyaasha.

Dowlada Namibia ayaa dooneysa in ay iibiso ilaa 170-kamid ah maroodiyaasha dalkaasi kunool, waxaana lagu casuumtay shirkadaha daneynayo arrintani inay raacaan shuruudo gaar ah oo ay kamid tahay xeerka caalamiga iyo in ogolaansho heestaan .

Shirkadaha iyo dadka kale ee doonaya in ay iibsadaan maroodiyaashaan ayaa loo qabtay in codsiyadooda kusoo gudbiyaan ilaa ilaa 29-ka bisha janaayo ee sanadka soo socda, waxa ayna dowlada dooneysa in lacag badan ku hesho iibka maroodiyaashan.

Dowlada Namibia ayaa sanadkii hore fasaxday in la xaraasho 1,000 kamid ah xayawaanada duur joogta cabsi laga qabo darteed inay dhintaan xilli abaaro baahsan saameeyeen isla markaana la waayay wax ay cunaan duurjoogtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -