Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah Maraakiibta waaweyn ee Shidaalka qaada oo ku gubtay Badda Shiinaha (Daawo Sawirro)

Markab laga leeyahay dalka Iran oo shil ku galay dhowaan badda Shiinaha ayaa hadda la soo sheegayaa inuu gebi ahaan gubtay.

Markabkan oo lagu magacaabo Sanchi ayaa waxaa la sheegay in hadda dabkiisa uu ku faafay masaafo dhan 100 km oo isku wareeg ah.

Sanchi waxa uu sidey 136,000 kun tan oo shidaalka ceyriinka ah, wuxuuna ku dhacay markab kale oo horaantii bishan.

Ugu yaraan 32 shaqaale oo saarnaa markabkan ayaa dhammaantood geeriyooday, iyadoo llaa afar goobood uu dabku ka holcayo sida ay ku waramayso warbaahinta Shiinaha.

Shidaalka uu waddo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid sun ah, islamarkaasna ka gubasho  xun shidaalka kale.

Wasaaradda gaadiidka Shiinaha ayaa sheegtay in ay kooxo u direyso halka uu markabka ku gubanayo si wax looga qabto dhibaatada degaanka u iman karta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Somalia iyo AMISOM oo dagaalamay iyo Banaan bax looga soo horjeeday dagaalka oo la dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ku dhaqaaqay talaabo qaldan

Caydiid Ali

Dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland

Caydiid Ali