Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay in uu geeriyooday Sargaal dhibaateeyay Shacabka Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in uu geeriyooday sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, sargaalkan ayeyna dowladda ku eedeysan in uu maleegay shirqoolo lagu dilay dad badan oo Soomaaliya.

Dowladda , ayaa sheegtay in Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay Khawaarijtu ka fuliyaan gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, u geeriyooday dhaawacyo oo ka soo gaaray howlgal qorshaysan oo ciidanka fuliyeen, dhaawacaas ayaana sababay in uu u geeriyoodo.

Warka dowladda kasoo baxay , ayaa lagu sheegay in Cabaas Hool ku biiray kooxda Al Shabaab sannadkii 2007  waxab ayna dowladda sheegtay in sargaalkan uu si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxandarro ah  oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado xubno ka ah Golaha amaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray Somalia

Caydiid Ali

Sidee u dhintay Mahad Cagaduub, Wax yar ka dib markii ay qabteen ciidanka DF?

Caydiid Ali

Al Shabaab oo la sheegay in lacago laaluush ah siiso booliiska Kenya si ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---