Booliiska iyo sirdoonka Iran, ayaa gudaha dalkaasi ka baadigoobaya xubno la shaqeeya sirdoonka Israa’iil ee Mossad, kuwaa oo gacan weyn ka geestay duullaanka Israa’iil ku qaaday gudaha Iran, gaar ahaan duqeymaha iyo dilka taliyaal ciidan loo geestay.
War kasoo baxay booliiska dalka Iran, ayaa lagu sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan wakiillada Mossad ee ka howlgallaya gudaha Iiraan, waxaana xubnahan la qabtay la sheegay in lagu helay soo saarista iyo tijaabinta walxaha qarxa.
Xubnahan la qabtay ee la shaqeenayay Sirdoonka Israa’iil ee Mossad, ayaa booliiska Iran sheegeen in waxyaabaha qarxa ee lagu qabtay ay doonayeen in ay weerarro kaga fuliyaan magaalada Karaj, oo ku taal galbeedka magaalada Tehraan.
Magaalada Tehran iyo magaalooyin kale waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah basaasiin la shaqeenaya sirdoonka Israa’iil ee Mossad, waxaana xubnaha dowladda Iran ku hesho la shaqeyta sirdoonka Yahuuda ku filineysaa xukunno daldalaad ah.
Sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa so caadi ah u dhax galay gudaha Iran, waxaana loo fududeeyay in ay helaan xogo badan oo sirdoon, taa oo keentay in ay si fudud Israa;’iil ku disho taliyaal badan oo ciidan, gubaro hubka nukliyeerka ku taqasusasy iyo xubno kale oo Iran muhiim u ahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com