Dad la il darnaa cudurka halista ah ee Ebola oo ku firxaday magaalo

Bukaano ka badan 20  oo la Il-daran cudurka Ebola ayaa ka firxaday goobihii lagu baxnaaninayay xaaladdooda Caafimaad, markii ay weerar ku qaadeen Dadweyne dhigaya dubed-baxyo rabshada wata.

Dhaqaatiirta Gobolka Beni, ee Gacanta ku hayay Dadka xanuunsanaya ayaa sheegay in Bukaanka ka baxsaday goobta ay ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee laga helay Cudurka Ebola.

Dadka dhigaya dibed-baxyada, ayaa la sheegayaa inay ka caraysan yihiin dib u dhac ku yimid mar kale doorashooyinkii Madaxtinimo ee lagu waday inay Maalinta Axadda ka qabsoonto Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah.

Waxay Dowladdu sabab ugu dhigtay dib u dhaca doorashooyinka, dagaallo sokeeye iyo Cudurka Ebolla oo ka dillaacay qaybo ka mid ah Dalkaasi, iyagoo mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweyne Joseph Kabila, inuu doonayo muddo kororsi, taageerayaashuna waxay dhigeen marar kala duwan bannaanbaxyo rabshada wata oo ay dad ku dhinteen.

Xarumo ay Maamusho hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa lagu wareejiyay inta ka hadhay bukaannadii baxsaday, waxaana halkaasi la geeyay ciidan badan oo Boolis ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -