Dhagey iyo Dhagdheer oo mar kale kamid noqday Aqalka Sare kadib markii loo tanaasulay

Waxaa goordhaw doorashada natiijadeeda lasii ogyahay ee ka socota  Dhuusomareeb mar kale loo doortay in ay kamid noqdaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Senator Cabdi Dhuxulow Dhagdheer.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guuleestay doorasho la’aan kadib markii uu tanaasulay kana haray doorashada Musharaxii la tartamayay Daahir Fiidow oo la rumeesan yahay in Dhagey isagu soo qortay, waxa uuna Dhagey kusoo baxay cod gacan taag.

Waxaa sidoo kale isna doorashada ka socota magaalada Dhuusomareeb ku guuleestay in afar sano oo kale loo doorto Senator Cabdi Dhuxulow Dhagdheer kadib markii uu tanaasulay musharaxii isna la tartamayay Nuur Xasan Guutaale .

Doorashada ka socota magaalada Dhuusomareeb ayaa natiijadeeda horeyba loo sii ogaa ayaa u muuqata mid kusoo dhamaan doonta wada tanaasul, waxaana sadexdii kursi ee ugu horeeyay hadaba lagu guuleestay iyada oo aysan doorasho dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -