Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo Weerar culus ku qaaday deegaan Al Shabaab joogeen

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta weeraray goob ay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Sabansabley oo dhaca Xadka ay wadaagaan gobolada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka xoogga dalka weerar culus ku qaadeen deegaanka Sabansabley ,xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dagaalyahanno badan oo katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegay in jab xooggan ku gaarsiiyeen Al Shabaab weerarka lagu qaaday, waxa ayna sheegeen saraakiisha in howlgalka lagu baacsanayo Al Shabaab wali socdaan.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay hakkad galeen howlgaladii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadeen gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe.

Related posts

Trump oo loo heysto aflagaado uu u geystay hogaamiye caan ah oo geeriyooday

Caydiid Ali

Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la iibinayo iyo Sababta keentay oo la Ogaaday !!

Cabdi Cade

Malaayiin qof oo maanta u dareeray doorashada Guud ee ka bilaabatay Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---