Axmed Madoobe oo Arin jirta ku Dhaliilay dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dowlada Federaalka, Taliska ciidamada AMISOM iyo Beesha Caalamka aysan daacad ka aheyn in dagaal lala galo kooxda Al Shabaab .

Axmed Madoobe ayaa ku dhaliilay Dowlada Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka in aysan daacad ka aheyn dagaalka Al Shabaab, waxa uuna xusay in dagaalku noqday wax afka un laga sheego balse aan ficil ahaan loo fulin.

”Afar sano ayaa la lahaa gobolka Jubadda Dhexe ayaa la xoreynayaa, illaa iyo hadana waxay noqotay hadal la sheego oo ficil wadan, in badan ayaan Dowlada Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka ka sugnay in uusan dagaalku daba dheeraan , balse waxa ay u muuqdaan kuwa aan daacad ka aheyn dagaalka ” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland duulaan ku qaadayaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxa uuna xusay cidii dagaalka garab ku siineysa ay soo raaci karto balse aysan sugeyn .

Maamulka Jubbaland ayaa diyaariyay ciidamo badan oo loogu tala galay in duulaan ku qaadaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana ciidankan Madaxwenaha Jubbaland sheegay in si deg deg ah u bilaabayaan howlgalo Shabaab ka dhan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -