Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo la wareegtay Isbitaalka Banaadir iyo Maamul cusub oo loo magacaabay (Akhriso)

Wasaarada Caafimaadka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.

Digreeto kasoo baxay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu kala diray maamulkii hore ee Isbitaalka, Waxaana Wasaarada soo magacawday Agaasime cusub iyo sidoo kale Guddiga Maamulka iyo Kormeerka Isbitaalka Banaadir.

Wasaarada ayaa ku wargalisay Wasaaradaha , Hayadaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga aheynba in hada waxii ka dambeeya Isbitaalka Banaadir kala xiriiri karaan maamulka cusub ee loo sameeyay.

Halkan ka Akhriso Digreetada kasoo baxday Wasaarada Caafimaadka 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan: “Waa nasiib daro in Deni & Axmed Madoobe ay diideen Shirkii Dhuusamareeb”

Caydiid Ali

Boqolaal ka tirsan ciidanka Jubbaland oo isku dhiibay DF (Daawo)

Caydiid Ali

TPLF oo ciidankeeda kala baxday furumaha Dagaalka shuruudna ku xirtay in ay hubka dhigaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---