Booliska Koonfur Afrika oo bilaabay raaf ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta kale

Booliska Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape Town ee Gobolka Western cape ka bilaabay howlgal ka dhan ah dadka ajaaniibta ah oo ay Soomaalidu ku jirto, kuwaasoo ganacsiyo kala duwan ku leh magaaladaas.

Sarkaalka Ciidankaas wata ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay maloko, waxaana ay ciidamada ku howlan yihiin dhibaateynta dadka ajaanibta oo ay u geysanayaan dhac, Jirdil iyo xarig.

Ku dhawaad 20 Soomaali ah ayaa la sheegay inay Boolisku xireen, iyagoo sidoo kale u geystay jirdil xooggan iyo dhac.

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrka, gaar ahaan kuwa ganacsiga ku leh Magaalada Cape Town ayaa xiligan wajahayo Amni daro tii ugu xumeyd oo ay kala kulmayaan Booliskii ilaalin lahaa amnigooda.

Safaarada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaan waxba ka qaban cabashada Soomaalida ku nool magaalada Cape town ee xariga iyo jirdilka lagu hayo.

- Advertisement -