Lamaane Geeridooday u Dhaxeysay Saacado yar iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Lamaane kasoo jeeda dalka Ingiriiska ayaa geeridooda u dhaxeysay saacado kooban, waxaana lamaanahan ku noolaayeen kuna geeriyoodeen magaalada Market Drayton ee dalka Australia.

Jason Francis, oo 29 jir ah, ayaa geeriyooday xili uu kusii jeeday gurigiisa kadib markii uu jiiray gaari xowli ku socday, waxaana geeridan si weyn uga naxday gabadha ay lamaanaha ahaayeen Alice Robinson.

Gabadhan ayaa aad uga naxday geerida ku timid saaxiibkeed ay wada joogeen, waxaana saacado yar gudahooda la helay meydka Alice Robinson oon wali la cadeyn iyadana qaabka ay u dhimatay.

War kasoo baxay Booliska ka howl gala galbeedka Australia ayaa lagu sheegay in Jason Francis u geeriyooday gaari uu jiirsiiyay nin 18-sano jir ah bale baarayaan waxa dhaliyay geerida saaxiibtiis Alice oo iyana saacado kadib meydkeeda la helay.

Laamaanahan ayaa kahor inta aysan geeriyoon la sheegay in ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro ciyaaraha Rugbay-ga loo yaqaan, waxaana lamaanahan wada geeriyoodeen saacado yar gudahood.

Baraha Inernetka ayaa lacago badan loogu aruuriyay qoysaska ay ka geeriyoodeen lamaanahan jaceylka weyn ka dhaxeeyay, waxaana geerida lamaanahan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -