Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirkii hore ee Warfaafinta  oo maanta xilka Wasaaradaasi iska wareejiyay (Daawo Sawirro)

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka wasaaradaasi si rasmi ah u wareejiyay kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaarada.

Munaasabada xil wareejinta waxaa ku sugnaa Xildhibaanad katirsan Aqalka sare, Wariyaal , Fanaaniin iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, waxaana xilka Wasaarada si KMG ula sii wareegay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta sidii wanaagsaneyd ee ula shaqeeyeen, waxaana uu ka codsaday inay shaqada halkaas ka sii wadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wasaarada la wareegay ayaa u mahad celiyay Wasiirkii hore, waxa uuna sheegay in wax badan soo qabtay inta uu xilka Wasaarada hayay.

Eng  Cabdiraxmaan Yariisow ayaa dhawaan loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho , waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah Duqa Muqdisho xilka ula wareego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo goordhaw Goob fagaare ah lagula fuliyay Shariif Abshir Jini Jini

Cabdi Cade

Jabuuti oo jawaab ka bixisay hadal dhowaan ka soo yeeray Amiirka Al-Shabaab

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay Guddoomiyaal Degmo ammar cusubna siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---