Buug loo bixiyey ILA OOY oo lagu soo bandhigayo Oslo & Wargelin arintaas ku saabsan

Maalinta jimcaha ah ee bisha February ay tahay 2 waxaa magaalada Oslo lagu soo bandhigi doonaa buuga ILA OOY oo ay qortahay Ifrah Yuusuf Ciyow oo ah qoraa soomaali ah oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Buuga ILA OOY waxaa ku qoran sheeko aad u xiisa badan oo ka hadlaysa qiso jacayl oo muruga ah. Lamaahana soomaaliyeed ee buugan uu qisadooda ka hadlayo, waxey la kulmi doonaan dhibaatooyin badan sida geeri, argagixiso, afduub, iyo dhacdooyin kale oo xanuun badan.

Macllumaadka badhiga buuga ee Oslo:

Jimcaha 2-da bisha febarayo, saacada:  17:00. Goobta: Fredensborgveien 24A, 0177 Oslo. Batteriet Oslo – ressurssenter for frivillige organisasjoner.

Gaadiidka: 37-bussen til Nydalen. Stoppested: Arne Garborgs plass. 34 – bussen til Tåsen. Stoppested: Møllerveien. 54- bussen til Kjelsås stasjon. Stoppested: Møllerveien. Daqiiqadu ayaa loo soconaa goobta xafladu ka dhaceeyso.

Qabanqaabiyaha: U Hiili Aqoonta.

Soo dhawaaw! Horay u soo wad inta aad jeceshahay!

Waxaa la siin doonaa martida duulsho iyo shaah/kafe bilaa lacag ah!

Faahfaahin dheeraada kala xariir:

Email: ifrahciyow@hotmail.com. Mob: 0047-46835394.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -