Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & odayaasha Beesha Cadaado?

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay odayaasha beesha Cadaado iyadoo kulankan uu ahaa mid albaabadu u xirnaayeen.

Odayaasha beesha Cadaado ayaa hor dhigay Madaxweynaha warqad ay kaga soo horjeedaan heshiiskii Jabuuti ee ay ku midoobeen maamulada Galmudug iyo ahlu sunna.

Qodobada ay Beesha Cadaado ka cabaneyso ayaa waxaa ka mid ah maqaamka ay yeelaneyso Cadaado, mar haddii loo guurayo magaalada Dhuusamareeb oo horay loo asteeyay inay tahay Caasimada Maamulka Galmudug.

Farmaajo ayaa u sheegay in arrimahan aysan dowladda dhexe awood u laheyn iney ka wax ka bedesho heshiiskan, isagoo ku baaqay in la isugu yimaado shir arrimahan lagu xaliyo.

Farmaajo ayaa u sheegay odayaasha Cadaado inuu aadayo magaalada Dhuusamareeb, arrimahana loo baahan yahay in lagu xaliyo madal kale hase ahaatee waxgaradka beesha Cadaado ayaa ka carooday jawaabta Madaxweynaha.

Kulankan ayaa lagu kala dareeray iyadoo wax natiijo ah aysan ka soo bixin, iyadoo madaxweyne Farmaajo oo safarkiksu dib u dhacay muddo saacado ah uu raacay gaadiidkii u qaadi lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -