Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus soo saaray

Wasiirka amniga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa lagu khalkhal gelinayo amaanka caasimada.

Xundubey ayaa tilmaamay inaan xilligaan loo baahneyn rabshado iyo in la carqaladeeyo amniga dalka, isagoo xusay in dastuurku oggolyahay in dadku ay muujiyaan dareenkooda balse ay tahay in laamaha ammaanka lagu wargeliyo si loo ilaaliyo amniga dadka isu imaanaya, si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-shabaab.

“Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol, adduunyadaa oggol, caqligaa oggol, sharcigaa oggol, cid kastaa oggol, waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa amnigana uu soo wargeliyo, markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa isagoo nabdoon tago. Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lamana diidana”ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in amnigu yahay mid ay wada leeyihiin bulshadu oo u tahay in la wada ilaaliyo maaddaama aysan cid gooni ah laheyn,isagoo ka digay in bulshada loo adeegsado bannaanbaxyo aan lagu wargelin laama amniga.

“Dad wax magarad ah oo jidadka lasoo tubay iyagoo qoryo wata, taas macneheedu waa in ammaankii lagu soo duulay, in colaad la abuuray, in ciidanka ammaanka shaqadiisii la dhantaalay, in bulshadii dhibaato loo geystay, mana aqbalayno masuuliyada ayaa sidaas na fareysa” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -