Madaxweynaha Somalia & wafdigii uu horkacayey oo si diiran loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Wafdigii uu horkacayey Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka soo ambabaxay Magaalada Cadaado ayaa safar dhulka ah ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kolonyada Madaxweynaha ayaa waxaa banaanka magaalada Dhuusamareeb kaga hortagay masuuliyiin kala duwan iyo dadweyne fara badan oo safnaa illaa bartamaha magaalada.

Xubnaha la socda Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo masuuliyiin kale.

Farmaajo oo si weyn looga sugayey Dhuusamareeb ayaa markii uu halkaas gaaray waxaa laga dareemay isbedel weyn, iyadoo dad xamaasadeysan oo ku faraxsan booqashada Madaxweynaha ay isugu soo baxeen gudaha Magaalada.

Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya maalinta beri ah xaflad balaaran oo lagu mideynayo maamulada Galmudug iyo ahlu sunna taasoo ay sidoo kale ka qeyb galayaan madaxda maamul goboleedyada wakiilo ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, xildhibaano, odayaal dhaqameedyo iyo dad kale oo fara badan.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -