Ilaalo gaar ah oo loo sameeyay Ra’isul Wasare Abiy iyo Madaxda kale ee Itoobiya (Daawo Sawiro)

Ciidamo si gaar ah loo tababaray oo katiran Milatariga dalka Itoobiya ayaa loo diyaariyay sidii ay u ilaalin lahaayeen amaanka Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxda kale ee xilalka sare ka haya dalkaasi.

Ciidamadan cusub oo loogu magac daray ilaalada Jamhuuriyada ayaa dhameystay tababaro xirfadooda sare loogu qaadayay si ay u xaqiijiyaan amaanka Ra’isul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo madax kale ee dowlada Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya, waxa uuna xusay in ciidankan ay dhoowri doonaan sareeynta sharciga.

Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay dhoolo tus ay ciidankan soo bandhigayeen, waxa ayna ciidankan cusub Ra’isul Wasaaraha hortiisa kusoo bandhigeen awooda ay leeyihiin iyo heerka uu gaarsiisan yahay tababarka la siiyay.

Ciidamadan cusub ee loo diyaariyay in qatarta ka ilaaliyaan madaxda sare ee dalka Itoobiya ayaa la siiyay hub casri ah ay ku howlgalaan, waxaana ciidankan ay yihiin kuwa si gaar ah loo soo xulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -