Axmed Madoobe oo Dhiiro galin ugu tagay Ciidamo fuliyay Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho dhiiro galin ah ugu tagay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo fariisimo ku leh deegaanka Cabdalla Biroole ee Duleedka Kismaayo,

Ciidamada uu Dhiiro galinta ugu tagay Axmed Madoobe ayaa dhawaan fuliyay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab , waxa ayna ciidamadan dileen xubno katirsan Al Shabaab halka sidoo kale nolol kusoo qabteen qaar kamid ah dagaalyahanada sida saraakiisha sheegeen.

Axmed Madoobe oo la hadlay ciidamada uu booqday ayaa ku amaanay howlgaladii ugu dambeeyay ay fuliyeen, waxa uuna ugu baaqay Axmed Madoobe ciidamada in ay u diyaar garoobaan howlgalo kale oo ka dhan ah Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in howlgalkii ugu dambeeyay ay fuliyeen ciidamada Jubbaland lagu dilay tobaneeyo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaan kuwa kalana nolosha lagu qabtay.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna sheegay in deegaanada laga saaro kooxdaasi laga hirgalin doono adeegyada muhiimka  u ah bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -