Wasiir saameyn badan ku leh dowlada Eritrea oo dhaaac culus la gaarsiiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa sheegaya in dhaawac culus la gaarsiiyay Wasiirka Macdinta iyo Tamarta dowlada Eritrea General Sibhat Efrem.

Wasiirka ayaa la sheegay in lagu toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa magaalada Asmara, waxaana wararka la helayo sheegayaan in nin hubeesan uu u ganbaday kadibna dhaaac culus gaarsiiyay.

Ciidamada amaanka dowlada Eritrea ayaa lagu soo waramayaa in gacanta ku dhigeen ninka Wasiirka dhaawacay, walina ma jiro wax war ah oo dowlada kasoo saartay dhaawac loo geestay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta dalkaasi.

Dhaawaca Wasiirka oo ah mid culus ayaa la sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday, waxaana adag in faah faahino badan laga helo dhaawaca wasiirka iyo sida hada xaalkiisu yahay.

Wasiirka la dhaawacay ayaa ah nin saameyn iyo awood badan ku dhax leh dolada Eritrea, waxa uuna sanado badan soo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi, waxa uu sidoo kale soo qabtay wasaarado kale iyo  duqa magaalada Asmara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -