Siyaasi ka digay in Dhibaato ka daran Al Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya 

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir ayaa sheegay in ay jirto saan saan aan fiicneyn oo ay ka dhalan karto dhibaato ka daran Al Shabaab .

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in faragalin dowlada Itoobiya ku sameesay Soomaaliya sanadkii 2006-dii ay ka dhalatay in ay abuurmaan kooxda Al Shabaab oo hada dagaal xoogan kula jirta dowlada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir in ay hada muuqato saan saan u eg faragalintii ay Soomaaliya ku sameesay Itoobiya sanadkii 2006-dii , waxa uuna xusay in uu ka cabsi qabo natiijo Al Shabaab ka daran in ay hada nka dhalato waxa socda.

 

”Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dawlada Maraykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay markaan ka dhalan doonto”. Ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur

Siyaasiga CC Warsame ayaan cadeyn halka rasmiga ah ee ku qotonto saan saanta uu ka digayo, waxa uuna horey uga hadlay digniina uga soo saaray isbadalka Geeska Afrika iyo heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -