(Sawirro) RW Rooble & Wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareen waxaa goor dhow gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyey garoonka ku soo dhoweeyey wafdiga raisul wasaaraha oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa la xiriira ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Madaxda dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa saacado ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha Somalia la filayo iney halkaas ka gaaraan illaa beri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -