Wararkii ugu dambeeyey booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Koonfurta Gaalkacyo (Sawirro Cusub)

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadada isku Xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Farmaajo ayaa ugu mahad celiyay Guddiga gacanta ku haya dhismaha wadadaasi dadaalkii adkaa ee ay sameeyeen, kaasoo ku aadan sidii loo heli lahaa wado wanaagsan maadaama halkaasi marar kala duwan ay ka dhaceen shilal geystay qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Farmaajo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka geysan doonto dib u dhiska wadadaasi oo muhiim u ah bulshada kunool Gobolkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale siweyn uga hadlay arrimaha nabadgeliyada magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahan yahay inay ilaashadaan amniga iyo xasilooniga.

Farmaajo ayaa salaan sharaf kaga qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo ciidamo ka tirsan milateriga, isagoo dhex galay kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay koonfurta Gaalkacyo kuwaasoo isugu jiray qeybaha bulshada.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda iyo bulshada Galmudug, isagoo maalinta beri ahna ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -