Allbanaadir.com
NEWS

Nin Madow ah oo xabsi la dhigay kadib markii lagu qalday nin kale oo Cadaan ah !

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa xiray mudo lix maalina xabsi ku hayay Shane Lee Brown, oo 25 jir ah, kadib markii lagu qalday nin kale oo ah oday cadaan ah oo magacyadooda is shabahaan.

Booliiska ayaa baadi goob ugu jiray in ay xiraan Shane Neal Brown, oo ah 51 sano jir cadaan , hasa ahaatee waxa ay xireen Shane Lee Brown oo ah nin dhalinyaro madow ah oo magaca isku egyihiin odayga cadaanka ah.

Ninka dhalinyarada ah oo sifo shyarci daro ah xabsiga ugu jiray mudo lix maalin ah ayaan lagu soo oogin wax dacwo ah, waxa uuna ninkan hada dalbanayaa in la siiyo magdhaw u dhiganta xabsiga la galiyay isaga oon dambi gelin.

Dacwadda ayaa lagu sheegtay in saraakiisha booliiska ay si khaldan ugu maleeyeen in Mr Brown uu yahay Shane Neal Brown, oo ah nin cad oo timo bunni ah leh, laguna qaldanay ninka madowga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hPbxmQlyF4k

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ajaaniib la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu qabtay Dhoobley (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ergey uu Magacaabay Xassan Shiikh oo shaqadii loo diray bilaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---