Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar ugu ambabaxaya Qaarada Yurub

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka madasha dhaqaalaha Adduunka oo ka furmi doona magalada Gineva ee dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeybgali doonaan hogaamiyaal ka kala socda wadamada Caalamka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalaha Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto, wuxuuna furmayaa bishan Janaayo gudaheeda.

Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa, waxaana la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

Shirkan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jiro wadamo yar oo Africa ka tirsan, kuwaasoo si gaar ah loogu casuumay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -