MO Faarax oo Siwayn loogu soo dhoweeyay dalka Qadar (Daawo Video)

Orodyahanka Caan baxay ee Maxamed Faarax, dadkuna ku garan ogyihiin MO Farah ayaa dhowaan soo gaadhay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qadar, Isagoo lagu Casuumay inuu goob-joog ka noqdo Ooredoo Doha Marathon oo maalintii Jimcaha la qabtay.

Wuxuu soo dhowayn Balaadhan kala kulmay Shacabka ku dhaqan dalka Qadar, Sidoo kale Soomaalida uu la kulmay ayaa Dhankooda ku Bogaadiyey Dedaalka uu sameeyay, Taasi oo Horseeday inuu gaadho Guulo-waawayn oo Taariikhda Dunida galay.

Maxamed Faarax waa orodyahanka ugu dheereeya orodka masaafada dheer ee dalka Britain, isagoo jabiyay rikoorka Britain ee tartankaas, wuxuu dhowrkii sano ee la soo dhaafay qaatay billado dahab u badan ee tartanka orodna 5000m iyo kan 10000m ee Dunida, Isagoona hada la filayo inuu Bilaabo Ororada dhaadher ee loo yaqaano Marathon-ka.

NAADIGA CIYAARAHA QADAR ayaa Sidoo kale Maxamed Faarax ku Sharfay intii uu ku sugnaa dalka Qadar Shahaadooyin iyo Hadyado kale oo ay ugu Tala galeen, Waxaana Sidoo kale madashaasi goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliyeed ee Qadar iyo Qaar kamid ah Dhalinyarada Sporstka ee Jaaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -