Ciidamo Cadaan ah oo bad baadiyay ciidamo Soomaali ah oo doon la degtay (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ka ciladowday doon ay la socdeen xili ay mareesay xeebta Cadalle meel ku dhaw ayaa lasoo bad baadiyay xili ay xaalad adag ku jireen.

Waxaa ciidankan katirsan milatariga Soomaaliya soo bad baadiyay Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya, kuwaa oo usoo gurmaday ciidamada doonta ka ciladowday kadib qeylo dhaan loo diray.

Ciidamadan katirsan Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta looguna tala galay la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee isla markaana ay ugu gurmadeen soona bad baadiyeen.

Sawirro ay baahiyeen howlgalka Atlanta ayaa muujinaya ciidanka milatariga oo lasoo bad baadinayo sidoo kale laga badalay dareeskii milatariga ay xirnaayeen iyadoona loo xiray dhar cad cad oo loogu tala galay dadka lasoo bad baadiyo.

- Advertisement -