Allbanaadir.com
NEWS

Isbedel lagu sameynayo barta bulshadu ku xiriirto ee Facebook oo lagu dhawaaqay

Maamulka shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday waxay ku sheegtay inuu yahay isbaddel weyn oo diiradda lagu saarayo dib u soo celinta sida ugu wanaagsan ee ay dadku uga falceliyaan bartan.

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in waxyaabaha guud ee shirkadaha ganacsiga iyo warbaahinta ay ku xayeysiiyaan barta ay ka tan badiyeen ujeedadda dadka caadiga ah ay u isticmaalaan barta.

Mark Zuckerberg waxaa uu sheegay in isbaddelka la sameynayo ay shirkadda Facebook ahmiyad koowaad u leedahay.

“Si loo xaliyo dhibaatadan laga yaabo inay ka dhigan tahay inay dadku ku jiraan barta Facebook muddo kooban, balse muddadadaasi ayaaa macno aad u sareeyo lahaan doonto” ayuu yiri Mark Zuckerberg.

Shirkadda Facebook ayaa kala kulmeysay dhaleeceyn isa soo tareysay oo la xiriirta in dadku ay si caadi ah ula qabsadeen barta inay ku jiraan wakhti badan, ayna suuragal tahay inay dhibaato dhinaca maskaxda ah ay u geysato dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo fariin la xariirta Doorashada dalka u diray Hogaamiyaasha Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne 80 jir ah oo ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilka ugu sareeya

Caydiid Ali

Caronavirus oo Banaanka Soo Dhigay Karti Darada Hoggaamiyaasha Bulshada!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---