Xaflad lagu Maamuusayey aasaaska Puntland oo xalay ka dhacday Garowe (Sawirro)

Xaflad ballaaran oo lagu xusayey Maalinta 1da Ogos oo ku beegan 21 guuradii ka soo wareegtay markii la’ asaasay maamulka Puntland 1998-dii ayaa xalay lagu qabtay magaalada Garowe.

Waxaa ka qeyb galay masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa, gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo qeybaha bulshada magaalada Garoowe.

Munaasabada waxaa riwaayado, heeso iyo suugaan kale ku soo bandhigay fanaaniin Soomaaliyeed, kuwaasoo ka turjumayey munaasabada aasaaska Puntland iyo qiimaha ay ku fadhido.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabadaas ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyey Munaasabada 1-da Agos iyo aasaaskii Puntland, wuxuuna ka waramay taariikhda maamulkaas iyo marxaladihii uu soo maray, isagoo dhinaca kale ka tacsiyadeeyey geerida ku timid duqii magaalada Muqdisho Ing. Yariisow.

“Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saaxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ku dheeraaday guulaha ay ku talaabsatay Puntland iyo mirahaka dhashay aasaaskeedii.

“Waxaa sharaf inoo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland. Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada. Waxaan bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul wanaag iyo sarraynta sharciga” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa hambalyo ka sokow waxaa uu sheegay in Puntland ay tahay hooyadii federaalka Somalia, loona baahan yahay in maamulada kale ee dalka ay ku daydaan horumarkeeda, wuxuuna ka waramay dedaalka dowlada federaalku ugu jirto horumarinta nidaamka federaalka.

“Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka oo ah Puntland” ayuu intaas ku daray gudoomiye Mursal oo shacabka iyo Maamulka Puntland ugu baaqay iney halkooda ka sii wadaan horumarka ay ku talaabsadeen si ay tusaale ugu noqdaan Soomaalida kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -