Dowlada Somalia oo si kulul u beenisay Warar la faafiyey oo ku saabsan kiiska Badda

Dowlada Somalia ayaa si kulul u beenisay warar maalmahan qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaalida qaarkood oo sheegayey in la bedelay dhamaan qareenadii difaacayey dacwada badda oo ay ku jirto Muna Sharmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo baratay sharciga.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Ali Faqi ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo la been abuuray oo aaney waxba ka jirin.

“Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd qareenadii Soomaaliya u doodayey kiiska badda, balse dhowaan ayey soo wacday Madaxweynaha, iyadoo u sheegtay iney shaqo ka heshay Bankiga adduunka, waxayna ka cudurdaaratay ineysan ka sii mid ahaan karin qareenada Somalia u doodaya” ayuu yiri danjire Cali Saciid.

Waxaa uu sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in la bedelay dhamaan qareenadii u doodayey Somalia ee horey loogu qabtay dacwada Badda ee kenya kala dhexeysa.

“Qareenada Somalia u doodaya ee kiiska badda lama bedelin waa kuwii hore, marka laga reebo Muna Sharmaan oo iskeed uga tagtay, mana jiraan wararka sheegaya in kuwo cusub la keenay” ayuu intaas ku daray danjire Cali Saciid Fiqi oo ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ineysan marin habaabin bulshada iskana hubiyaan waxa ay sheegayaan iyagoo aan siyaasadeyn.

“Waxay leeyihiin in lawyarada u dooda Somalia waa kuwo cusub, khibradooda yar tahay ee rakhiis lagu soo xushey. Arrintaas waa BEEN. Lawyaradeeni (Paul Reichler, Prof. Philippe Sands iyo Alain Pellet) waa kuwii weligooda noo doodi jirey ee kuwo cusub ma jiraan. Waana kuwa ugu caansan addunka marka ay timaado arrimaha badda” ayuu yiri danjiraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -