Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xalay ka dhacay guri ku dhow xarunta degmada Kaaraan & faahfaahino ka soo baxaya

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay xalay guri ku yaalla agagaarka xarunta Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Warar markii hore soo baxay oo ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegayey in qaraxan uu ahaa mid lagu diyaarinayey guriga uu ka dhacay.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa baaritaan adag ku sameeyey gurigaas iyagoo tuhunsan qaraxa ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Cabdifataax Xaaji Nuur (Yaanyo) ayaa baaritaanka ka dib saxaafada la hadlay isagoo meesha ka saaray in qaraxa dhacay uu ahaa mid lagu abaabulayay gurigaas.

Waxaa uu intaa ku daray in Qaraxa ka dhacay gurigan uu ka dhashay Gaaska loo isticmaalo karinta raashinka, isagoo xusay ineysan jirin wax khasaare oo ka dhashay.

“Markii hore qaraxa waxaan u qaadanay inuu ahaa mid guriga lagu diyaarinayey, ciidamada amaanku wey iska sii daayeen dadkii guriga degenaa oo markii hore ay xirxireen ka dib markii la ogaaday in waxa qarxay uu haa Gaaska raashiinka lagu karsado” ayuu yiri gudoomiye Yaanyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin Caawa lagu xir xiray magaalada Hargeysa iyo Xiisad siyaasadeed oo taagan

Cabdi Cade

RW Khayre oo daahfuray Nidaam casri ah oo lagu xoojinayo Maamulka Maaliyada (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---