(Daawo Sawirro) Sida loo sugay amniga Madaxweyne Farmaajo markii uu marayey buuraha Galgala

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galay shalay safarkiisii ugu dheeraa ee dhul Soomaaliya ka mid ah uu ku maro inta uu Madaxweynaha ahaa.

Wuxuu gaari ku socday qiyaastii 440km oo ah dhulka u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso. Ammaanka madaxweynaha waxaa sugaya ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo ilaalo gaar ah oo Muqdisho kala safray.

Dagaalyahano hubaysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayay fariisin u tahay buuraha Galgala oo ka bilaabanayha meel qiyaastii 80 Kiiloomitir Boosaaso u jirta.

Dhulka uu farmaajo maray waa qarfaha iyo buuraha caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, waa dhul geeduhu aad ugu yar yihiin balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Puntland oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la dhigay Buuraha galgala eek u teedsan hareeraha wadada gasha Magaalada Boosaaso kuwaasoo sugayey amaanka Madaxweynaha sida ka muuqata sawirada hoose, waxaana talaabadaas aad loogu amaanay madaxda Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa gaaray shalay gelinkii dambe Magaalada Boosaaso halkaasoo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka Magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Buuraha Galgala waxaa marar badan ka dhacay dagaallo dhexmaray ciidama maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubeysan, balse kolonyada madaxweynaha kalama aysan kulmin wax caqabad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -