Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi oo goordhaw is casilay iyo sababta keentay

Wasiirkii Arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima Cadde oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay magaalada Garawe ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo uu hayay.

Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa is casilaadiisa ku sheegay in ay ku timid sababo isaga u gaar ah, waxa uuna xusay Wasiirka in warqada is casilaadiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas.

Warar soo baxaya oo ay heshay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in sababaha uu Wasiirkii arimaha gudaha Puntland isku casilay in ay tahay in uu doonayo in uu u tartamo xilka Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland.

Bisha Janaayo ee sanadka cusub ayaa la filayaa in magaalada Garawe ka dhacdo doorashada Gudoonka golaha Wakiilada Puntland iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dastuurku Muxuu ka qabaa in Maamul uu sameysto lacag u gaar ah?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney xanibtay gargaar loo waday gobolka Gedo

Caydiid Ali

Dal Yurub katirsan oo Go’aan ka qaatay qaabilida dadka ka imaanaya dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---