Dal Yurub katirsan oo Go’aan ka qaatay qaabilida dadka ka imaanaya dalal Soomaaliya ku jirto

Dalka Gariiga oo inta badan marin u ah muhaajiiinta Soomaaliyeed ee kusii jeeda qaar kamid ah Wadamada Reer Galbeedka ayaa isbadal balaaran ku sameeyay sharciga soo dhaweynta iyo qaabilida dadka ka imaanaya dalal Soomaaliya ku jirto.

Sharci cusub oo dowlada Gariiga soo saartay ayaa saameenaya muhaajiriinta kasoo gudba dalka Turkiga ee gaara dalka Gariiga gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Soomaaliya, Siiriya, Bangaladesh , Afgaanistan iyo Pakistaan.

Dowlada Gariiga ayaa sheegtay muhaajiriinta ka imaanaya shanta dal ay Soomaaliya ku jirto  dalka Turkiga u yahay dal sadexaad ay ka heli karaan magangalyo iyo amaan ayna dalkaasi kunoolaan karaan iyaga oon dhibaato la kulmin.

Gariiga waxay aaminsan tahay in aysan joogitaanka Muhaajiriintaasi ee gudaha Turkiga Khatar ku ahayn Jinsiyadooda, Diintooda, Muwaadinimadooda ama  Siyaasadda ay aaminsan yihiin.

Wasiirka Muhaajiriinta iyo Magangelyo-doonka ee dalka Gariiga, Notis Mitarakis ayaa sheegay in muhiim tahay in laga hortago qul qulka Muhaajiriinta, waxa uuna tilmaamay in Turkiga yahay dal sadexaad ay muhaajiriinta ka heli karaan nolol iyo magangalyo.

Soomaali badan oo dooneysa in ay tagaan qaarada Yurub ayaa marin kasii dhigta dalalka Turkiga iyo Gariiga , waxa ayna Soomaalidan qaarkood magan galyo weediistaan dalka Gariiga si ay uga helaan baasanoor ay uga sii gudbaan dal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -