Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliyeed oo goordhaw bilaabatay

Waxaa goordhaw hool kuyaala Madaxtooyada magaalada Baydhabo ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxaana doorashada ku tartamaya ilaa shan musharax.

Hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan wafdi Wasiiro ah oo katiran Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxaana la sheegay in hoolka doorashada ka dhaceyso in aysan wali soo gaarin wakiilada beesha Caalamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dooranaya Madaxweynaha uu yeelanayo maamulkaasi , waxaana inta badan la saadaalinayaa in doorashada ku guuleesan doono Musharax Lafta Gareen oo taageero weyn heesta.

Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Xildhibaanada dooranaya ay yihiin 147-Xildhibaan, waxaana wareega koobaad ee doorashada ku guuleesanaya musharaxii hela sadex meelood labo meel codadka Xildhibaanada .

Doorashada goordhaw ka bilaabatay waxaa ku tartamaya shan Muharax oo kala ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweenka Qaarada Afrika kunool ee dhalaya mataanayaasha badan oo kordhay

Cabdi Cade

Sacdiya Samatar oo ka mid noqotay boqolka qof ee Afrika ugu sumcada fiican

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xasan oo Maamuusay Isimada Sool & Sanaag, kana hadlay baaqii QM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---