Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhay bilaabaneysa (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Baydhabo ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ku tartamaya doorashadan ilaa shan musharax.

Hoolka ay ka dhaceyo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa hada ku sugan qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa sidoo kale hoolka ku sugan xildhibaanada wax dooranaya in masuuliyiin kale.

Doorahada Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ku tartamaya shan Muharax oo kala ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Musharaxiinta qaarkood ayaa laga yaabaa in doorashada tartankeeda ka tanaaulaan kahor inta ayan doorashada bilaaban ama wareegyada kale ee doorashada, waxaana doorashadan ay tahay mid aan xamaasad badan laheyn .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -