Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhagax dhigay xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Farmaajo oo booqasho ku maraya deegaano katirsan Puntland ayaa dhagax dhigay xarun loo dhisayo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana dhulka xaruntan laga dhisayo bixiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse .

Cabdiweli Gaas Madaxweynaha Puntland oo munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay xarun ku caan ah dhaqanka Soomaaliya, sidaas darteedna loo doortey in laga dhiso xarun lagu keydiyo oo laga heli karo dhamaan dhaqanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Deegaano katirsan maamulka Puntland ayaa dhagax dhigay dhismayaal iyo laamiyo laga hirgalinayo Magaalooyin kuyaala gobolada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo War kasoo saaray maalinta ciida farriina u dirtay dadka kunool dalkaasi

Cabdi Cade

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Wasaarada amniga DF oo ka hadashay howlgalka ciidanka Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---