Iska hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Iska hor imaad khasaaro kala duwan dhaliyay una dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay halka loo yaqaan Xerada Saban Saban ee kutaala degmada Dayniile.

Sida aan wararka ku heleyno iska hor iamaadkan ayaa daba socday mid isla shalay aagaas ka dhacay, waxaana ciidamadan kawada tirsan Milatariga balse u abaabulan qaab beeleed isku heestaan boosasakuyaala Xerada Saban Saban sida aan wararka ku helnay.

Iska hor imaadka maanta dhax maray ciidamadan Milatariga katirsan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad shacab iyo ciidamada dagaalamaya, waxaana dadka dhintay qaarkood rasaas wiifto ah ugu tagtay xaafado fog fog .

Maamulka Degmada Dayniile ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan ciidamadan dadka shacabka ah ku kor dagaalamaya, mana jiro ilaa wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada iyo laamaha amaanka.

Xerada Saban Saban oo ah xero ay leedahay dowlada Soomaaliya ayaa marar badan lagu dagaalamay, waxaana inta badan dagaalka salka ku hayaa boosas xeradaas kuyaala oo la doonayo in xoog lagu kala qaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -