Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaalia oo kutaala Degmada Wardhiigley, waxaana inta badan madaafiicdan ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Madaxtooyada.

Madaafiicdan lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhaceen xaafado ku yaala agagaarka Madaxtooyada, waxaana khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay sadex qof ayaa ku dhaawacmay Madaafiicdan oo ku dhacday xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararka qaar sheegayaan in Madaafiicda qaar ku dhaceen dhisamayaal ku dhaw Madaxtooyada.

Dadka degan Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada ayaa aad uga argagaxay madaafiicda xaafadahooda kusoo dhacay, waxaaan dadka qaarkood bilaabeen in ay ku cararaan dhismayaal shub ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa marar badan lagu garaacay Madaafiic, waxaana inta badan madaafiicdaasi ku dhacaan khasaaro xoogana kasoo gaaraan dadka degan xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -