Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo War kasoo saaray maalinta ciida farriina u dirtay dadka kunool dalkaasi

Waxaa aad loo wada sugayaa maalinta ciidul Fidriga oo loo badinayo in midood noqon doonto Talaadada ama Arbacada, waxaana beri oo Isniin ah noqon doontaa maalinta 29-aad ee la soomayo.

Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa baaqday dadka kunool dalkaasi in ay raadiyaan dhalashada bisha habeen dambo oo Isniin ah, waxaana dadka ka codsadeen  in ay soo sheegaan aragtida bisha ayna la socodsiiyaan maamullada ay hoostagaan.

Sacuudiga iyo waddamada kale ee Islaamka ayaa si weyn looga raadin doonaa habeen dambo dhalashada bisha, waxaana haddii la arko maalinta Talaadada noqon doontaa maalinta koobaad ee Ciidul Fidriga, haddii la waayana Arbaco ayey ciida noqon doontaa.

Dadka Muslimiinta ee kunool daafaha dunidda ayaa u diyaar garoobaya munaasabada ciidul Fidriga, waxaana socda dukaameysi iyo isku qurxinta maalintan farxada gaarka ah u leh dadka Muslimiinta ah ee soomay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Shiinaha oo ergay cusub u soo Magacowday dalal Somalia ay ku jirto

Caydiid Ali

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Al-Shabaab 50 nin looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bacaadweyn?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---