NISA oo War cusub ka soo saartay khilaafka A-Shabaab & Saraakiil gadooday

Taliska ciidanka nabad sugida Qaranka ayaa soo sheegay inuu sii xoogeystay khilaaf xoogan oo ka dhex jiray hogaanka sare ee Al-shabaab.

“Horjoogaha Maafiyada Al-Shabaab Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) G/Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA oo lagu daabacay barta ay leedahay Twitterka.

NISA ayaa dhowaan shaacisay in amarka hogaamiyaha al-shabaab lagu dilay taliyihii amniyaatka Al-shabaab Muuse Macalin Mucaawiye ka dib markii uu soo jeediyey in qaraxyada joogtada ah laga joojiyo Muqdisho sida NISA sheegtay.

Sidoo kale NISA ayaa dhowaan sheegtay in amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab golaha fulinta Xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay dalbadeen joojinta qaraxyada Muqdisho.

Maraykanka ayaa maalmo ka hor sheegay inuu duqeyn ku dilay Bashir Qoorgaab oo ahaa abaanduulaha ciidamada kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -