Xukuumadda Somaliland oo Qodobo kasoo saartay Colaada Laascaanood (Sawirro)

Kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirrada maamulka Somaliland uuna shir guddoominayay Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa looga hadlay inta badan xaalada magaalada Laascaanood.

Wasiiradda maamulka Somaliland ayaana si weyn dood uga yeeshay xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxa ayna maamulka Puntland ku eedeeyeen in ay hurinayaan colaada ka taagan magaalada.

Golaha wasiiradda Somaliland ayaana dood iyo falanqeyn kaddib shirkooda kasoo saaray qodobadan

1. Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka.

2. Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.

3. Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha Dalka.

4. Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -