Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si deg deg ah ku magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa loo magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow oo horey usoo noqday gudoomiyaha gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Xilkan uu saakay magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa shalay waxaa iska casilay Xildhibaan Cabdifitaax Geesey oo mudo dhowr bil ah hayay xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Amaanka oo caawa awood u adeegsaday Dibad bax lagu taageerayay Go’aankii Rooble

Cabdi Cade

Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Jen. Xijaar oo xilka ka qaaday taliye saldhig Boolis, Mid cusubna ku bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---