Dowlada Federaalka oo loogu baaqay in Raali galin iyo Magdhaw siiso Qalbi Dhagax

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ceyb weyn ka raacday kadib markii dowlada Itoobiya u gacan galisay sanadkii hore Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa xubnaha sare ee Ururka ONLF .

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa ugu baaqay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo in raali galin iyo magdhaw ka bixiso dhiibistii Muwaadin Qalbi Dhagax.

Mr Ceynte ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in liiska argagaxisada ka saarto Jabhada ONLF oo horey dowlada Soomaaliya ugu tilmaantay koox argagaxiso.

” Dowladdu raalli galin iyo magdhaw ha siiso Qalbi-Dhagax, ONLF-na ha ka saarto liiska argagixisada, dowlada ha iska hubiso inaan loo laaban dambigaas oo kale” ayuu ku yiri Qoraal Wasiir hore C/raxmaan Ceynte ku daabacay bartiisa Twitterka.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay raali galinta uu Qalbi Dhagax siiyay Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmana Xoosh Jibriil kadib is arag ka dhacay dalka Jabuuti.

C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelin iyo madax salaaxid isugu daray C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadkii hore loo dhiibay Itoobiya, waxa uuna Wasiirkan kamid ahaa xubnihii difaacayay talaabada dowlada ku dhiibtay Qalbi Dhagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -