Itoobiya oo yeelatay diyaaradii 10-aad ee nuuceedu yahay Airbus-350 (Daawo Sawirro)

Shirkada Diyaaradaha ee Ethopian Airlines ayaa iibsatay diyaaradii 10-aad ee nuuceedu yahay Airbus-350, waxaana diyaaradan Itoobiya kasoo iibsatay shirkada Airbus ee sameysa diyaaradaha casriga

Magaalada Adis Ababa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay diyaaradan cusub ee soo iibsatay Shirkada Diyaaradaha ee Ethopian Airlines , waxaana munaasabada kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo lagu casuumay.

Shirkada Diyaaradaha ee Ethopian Airlines oo hada kamid ah shirkadaha Diyaaradaha ee Afrika ugu horeeya ayaa sanadkii 2016-dii soo iibsatay diyaaradii ugu horeesay ee nuuceedu yahay Airbus-350.

Itoobiya ayaa mudo sadex sano gudaheeda yeelatay diyaaradii tobonaad ee Airbus-350, waxaana diyaaradan casriga ah ee markiiba qaadi kartaa rakaab gaaraya 343 rakaab ah, waxa ayna diyaaradan kamid tahay kuwa ugu casrisan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -