Israel oo waaberigii saaka Gantaalo ku weerartay Magalada Dimishiq (Sawirro)

Ciidamada Israa’iil ayaa saaka aroornimadii gantaalo ku garaacday dhisme ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha magaalada Dimishiq ee dalka Siiriya.

Goobta la duqeeyey ayaa u dhow dhismo ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo una dhow xarumaha Iran, waxaana ku dhintay shan qof, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah iyo saraakiil.

Weerarkan oo ahaa mid dhif iyo naadir ah ayaa waxyeelo u geystay dhismayaal dhowr ah oo ku yaalla degmada dadku ku badan yihiin ee u dhow fagaaraha Omayyad ee bartamaha caasimadda.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa diiday inuu faallo bixiyo.

Iyadoo soo xiganeysa ilo milateri, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Israa’iil ay qaaday duqeymo cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay dhowr goobood oo ku yaalla caasimadda wax yar ka dib saqdii dhexe, taasoo sababtay dhimashada shan qof iyo 15 dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah, iyo burbur soo gaaray dhismayaal la deggan yahay.

“Waxay burbur u geysatay dhowr guri oo rayid ah iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray xaafado ka tirsan Dimishiq iyo nawaaxigeeda,” ayay ciidamadu ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Imad Moughniyeh oo ahaa taliyihii ugu sareeyay kooxda Xisbullah ee Iran ayaa sanadkii 2008 lagu dilay duqeyn ka dhacday Kafr Sousa, oo ah meel aad loo ilaalliyo, halkaasoo ay dadka deegaanku sheegeen inay ku sugan yihiin dhowr hay’adood oo amaanka Iran ah oo ay ku jirto xarun weyn oo dhanka dhaqanka ah.

Ku dhawaad toban sano, Israa’iil waxa ay qaadaysay duqeymo ka dhan ah kooxo la tuhunsan yahay in Iran maalgaliso. Saraakiisha Israel marar dhif ah ayay qirteen mas’uuliyadda hawlgallada gaarka ah.

Iraan ayaa sanadadii lasoo dhaafay ballaarisay joogitaankeeda militari ee Suuriya, waxaana ay saldhig ku leedahay inta badan goobaha ay dowladdu maamusho, iyadoo kumanaan katirsan maleeshiyaad iyo kooxo maxalli ah ay ka amar qaataan, sida ay sheegeen sirdoonka reer galbeedka.

Israa’iil ayaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay xoojisay duqeymaha ay ku hayso garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada ciidamada cirka ee Suuriya si ay u carqaladayso isticmaalka sii kordhaya ee Iran ee isticmaalka sahayda hawada si ay hub ugu gaarsiiso xulafada Suuriya iyo Lubnaan oo ay ku jirto Xisbullah.

Maleeshiyada taabacsan Iran oo ay ugu horreeyaan Xisbullah ee Lubnaan, ayaa hadda gacanta ku haya deegaanno baaxad leh oo ku yaalla bariga, koonfurta iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya iyo dhowr xaafadood oo ku xeeran caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -