Mukhtaar Roobow oo wax yar ka dib shir jaraa’id ku qabanaya Magaalada Muqdisho

Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa lagu waddaa in uu goor dhow warbaahinta kula hadlo xarunta Taliska Hay’adda Nabad suggida Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Roobow ayaa maalmo ka hor qasab looga waday magaalada Baydhabo si looga reebo doorashada, waxaana uu haatan gacanta ugu jiraa dowlada federaalka Somalia.

Illaa hadda lama oga waxaa uu ka hadli doono Roobow, waxaana shirkiisa jaraaid uu ku soo aadayaa xili magaalada Baydhabo ay ka bilaabatay hadal jeedinta musharaxiinta doorashada KG ee xildhibaanada maamulkaasi.

La soco wixii soo kordha  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -